Friday, January 7, 2011

Qori Ama Qalin!!


Run ahaan waxaa wax laga murgoodo ah dib u dhaca haysta dadkeena iyo degaankeena, ka hor 100 sano tani iyo maanta dadkeena ma aha kuwo horumar la taaban karo sameeyey ama arkay nolol fiican oo wax ku ool ah, taas oo kaliftay muwaditiinta wadanka u dhashay in ayna haba yaraatee wax dadaal  Dheeraad ah u galin Sidii Ay nabad -waarta  uga dhalinlahayeen gobalka, taasoo, kaliftay inay muwadiniyiinta degaanka madaxa ka qabsadaan dhowr kooxood oo haysta figrado kala duwan, fikradaahs  oo haba yaraatee aan wax dan ahi ugu jirin shacabka deegaanka, hadii aan ku xusno fikrad ka mida ah oo majara habaabisay midnimadii muwadiniinta degaanka, waa mid ay ka muuqato dana gaar ah, taas oo ah mid markasta carqalad galisa midnimada muwadiniinta u dhashay degaanka iyo horumarka degaanka, kuwaas oon dareensanayn inay yihiin kuwo marin habaabsan, ma aha kuwo daya dayacnaanta haysata shacabka, nasiib xumada ay abuureen waxa ka mid ah in maanta caasimado ka mid degaank aynan lahayn nal, (laydh/koronto), xarun caafimaad, iskool tacliinta lagu barto, wakaaladaha biyaha iyo dhamaanba wiixii nolasha bulshada dayactiri lahaa.
Waxaa kale oo  iswaydiina u bahan waxa shacabka gobalada bari ka soo eryaya ee ku soo uririyey golbalka jigjiga?, waxa ay ardayda gobolka fiiq ay uga soo lugeeyaan fiiq si ay imtixaanka ugu galaan jigjiga?
Marka miyeyna haboonayn in laga fekero sidii looga shaqayn lahaa nabad gelyada iyadoo ah marinkii loo mari lahaa hurumarka iyo wax qabsiga, loogana bixi lahaa jahliga iyo aqoon la'aanta ku saamaysay shacabka gobolka, qofkasta oo ka mid ah dadka gobolka u dhasha waxay dani ugu jirtaa in ay helaan nabad gelyo buuxda si ay uga tashadaan danahooda iyo dayacanaanta haysta maanta 
   markaa walaalaha degaanka u dhashay bal isla eega wadiiqada ugu haboon een masiibada kaga bixi karno inagoo isugu deeqayna fikradaheena kala duwan ee ku salaysan midnimada iyo harumarka deegaanka iyo dadka.

MAXAA SABABAY INUU GOBOLADA SHIINIILE IYO JIGJIGA GAADHAAN HORUMAR LA TAABAN KARO, GOBALADA KALE EE BARIGANA UGU HABSATAY MUSIIBADA IYO DIB U DHACU, WAXAAD MAANTA ARKAYSAA QOYSAS KA SOO BARAKACAY FIIQ, DHAGAXBUUR, QABRI DAHAR, IYO GODEY OO QOXOONTI KU AH GOBOLKA JIGJIGA, MAXAA SABABAY BAYNU ODHAN KARNAA?
MAXAA IYANA SABABAY DEGMOOYINKII QAAR AY KA SOO BARAKECEEN IN LOOGU AMAR TAAGLEEYO MAATIDII LAGAGA YIMID, MARKA AY XAAJADU SIDAAS TAHAY SOO MA AHA INUU CAQLIGA WANAAGSANI SHAQEEYO!!

No comments: