Saturday, January 22, 2011

Habaarka iyo Afxumada ay soomalidu caadaysAtay

Waa eryao iyo odhaahyo aan adeegsigoodu fiicnayn ayna ka dambayso dhibaato aad u wayn illahay raali kama aha waxaad arkaysaa hooyo maalinkasta adeegsanaysa oo ubadkeeda iyo ninkeeda ku odhanaysa walaalaha soomaliyeed kaa ka foojignaadaan erayadaas iyo kuwa lamidaba
1, waxdaran illhay ku tus
2, Calaamo illahay ku saar
3, Meeldaran illahay kaa tuur
4,Balaayo kugu dhacday
5, Alle ku qaad
6,  Cimri dagdag kugu dhac
7, Gablan oo gorofta noqo
8, Wax xun Illahay kugu salid
9,Iimaanka Illahay kaa qaad
10, Khaatumada seeg
11, Hoog la meer
12, Balaayo kugu dhacday
13,Baras kugu dhac
14,Cudur daran ku hel
15 Alle ku soo qabay
16 Cimrigaada Illahay dadaji
17,Habaar kugu dhac
18,Qandho fildaran Qaad
19,Cadaabkii Illahay ku gee
20 Lagu xansaas (waa gabdhaha)
21,Lagu Awd (gabdhaha)
22, Jifan oo nag dheh waa (gabdhaha)
23,kor laguula bax
24, Wadna gariir kugu dhac
25,Xargaga ka soo dhac oo isha Xanan la hel
26,Xudunta laf laguu dhig
27,Caloosha kaa soo dhacday
28 Daacuun kugu dhac
29 Qaaxo reerkiina laysay
30, Qabrigaada qabqab ka yeedhay
31,Isku bax
32, duf kugu bax
33,Fanta ku heshay
34,Raadkaaga roob qari
35, lagaa qax sidii Xamar (Muqdisho)
36,Nolasha lagugu dhaxal
37,Qalbiga lagaa dahaadh
38,Xishood beel ilahay idankiis
39 Caano beel
40, Maytidaa Alle Cadaab
41,Fidhin Illahay idankiis
42, Dooro Uur leh kaa talaabsatay
43,Illahay Qayrkaa kaa reeb
44,Illahay ku Casil
45,Si xun u Iilo
 LAGULA GUURSAY MA HABAAR BAA MISE WAA DUCO

4 comments:

Anonymous said...

SUBXAANALLAAH ..WALAAL WALAAHI WAA NAXAY INTAAS OO INKAAR AH MAALOO ADEEGSADAA ILMAHA IYO WAALID ILAAHOOW SOOMAALI SOO HADEEY MA ANAAN YAABIN DALKII INUU OLOLAY BA ...HEEDHE SOOMAALAAY INKAARTA ISKA DHAAFA OO AFKIINA BARA EREYADA NAXARIISTA BADAN IYO DUCADA RABBI QEYR HA IDIN SIIYE BI IDNILLAAH;(

Eng.M.omer said...

mohamed omer

waa wax laga xumaado oo aan ufiicnayn dhagaha iyo caafimaad ahaanba. lakiin maxaa lasamayn waayadan dambe waxaa caadi iska noqday in wixii xumaa la isku amaano. oo layidhaa hebel ma aragtay nacalaa abihii kuyaal waa xariif oo waxaasuu ku fiicanyahay hada eeg waxa nacdal kujirta, lakiin kii ay kusocotay isagu waxba uma arko oo faanbuu moodayaa. markaa somalidu waxay iska noqonaysaa reer galbeeka wax kasta caadiga unoqdeen.

Eng.M.omer said...

mar labaad aniga oo soo noqday waxaan jeclaan lahaa inaan su,aal idin waydiiyo. hadii aad rabto ama jeclaan lahayd inaad aragto website ay bushada jidwaaq leedahay maxaad jeclaan lahayd in loo bixiyo maxaadse jeclaan lahayd inaad kusoo kordhiso wesite kaas?

waa su,aal qof kastaa kasoo jawaabi karo websiteka hadii lasameyana ma noqon doona mid uu shaqsi leeyahay ee wxuu noqon doonaa mid dhamaan bulshada nabada iyo horumarka jecel u baahan inay daryeelaan.

ka qayb qaado magac ubixinta websiteka.

Nabdeeye Jidwaaq said...

ASC dhamaantiinba
1,soomalida waxaa jira odhaahyo badan oo gaf ah oy cadaysatay run ahaantiina fiican in laga tanaasulo Allaah subxaana watacaala wuu aqbala wixii aad marwalba caadaysato oood dhaqangashato waana la qorayaa waxaad ku hadasho haduu khayr yahay iyo haduu sharyahayba markaa afkaada suubso kuna hadal hadalba hadalka uu ka khayr iyo sharaf badanyahay
2 xaga u magac bixinta website kolay qofkasta wuxuu jecelyahay inuu u magac baxsado lkn haduu uu yahya mid loo furayo bahwaynta jidwaaq iyo bulshada nabada jecel loona bandhigayo inay u magac bixiyaan aniga waxaan u bixinlahaa www.jidwaaqbasement.com