Saturday, January 29, 2011

TAARIIKHDA IMAAMU-SHAAFICI (AUN)


TAARIIKHDA IMAAMU-SHAAFICI (AUN)

Rag badan oo kamid ah culumada waaweeyn ee ahlu xadiithka ayaa waxay qoreen kutub ugooni ah taariikhda imaamu shaafici waxayna kahadleen cilmigiisa, sharafta ilaahay siiyay, qiimaha uu uleeyahay umada islaamka iyo sida uu diinta islaamka usoo nooleeyay waxaa kamid ah culamadaas xaafith al-bayhaqi, ibnu-abiixaatim iyo xaafith ibnu-xajar al-casqalaani dhamaantood alaha unaxariisto ragaas kadib Qofka ku shakiya daraja imaamu shaafici wuxuu lamidyahay qof ku shakiyay maalinimo eyadoo qoraxdu dheertahay. Taariikhda imaamka waxaan kasoo guuriyay kitaabka layiraah (tawaalii al-taasiis limacaalii muxammad binu-idriis al-shaafici) waxaa qoray imaamka wayn ee layiraahdo (al-xaafith al-kabiir ibnu-xajar al-casqalaani)
1- WAQTIGII UU DHASHAY

Taariikh yahaniinta islaamku iskuma khilaafin waqtigii imaamku dhashay (al-xaafid-al-xaakim) wuxuu yiri ma ogi wax isku khilaafay arinkaas wuxuu dhashay imaamku taariikhdu markay ehayd 150 hijra nabawiyah taasoo ahayd sanadkii uu geeriyooday imaamu abuuxaniifah alaha uwadanaxariisto wuxuuyiri (al-xaafid ibnu-xajar al-casqalaani)waxaa culumadu kaqaateen dhalashadaas iyo geeridaas labada imam ee iskusoo aaday in imaamu shaafici uga bedel noqonayo imaamka kale cilmiga fiqhiga.    2-MEESHUU KUDHASHAY
meeshuu kudhashay imaamku alaha unaxariistee waxaa lugusheegaa laba meelood ookala ah (casqalaan)iyo (gazza)al-xaafid ibnu-xajar al-casqalaani wuxuuyiri labadooda waxaa xoogbadan inuu kudhashay casqalaan waxaa sidaas soo guuriyay culuma aad loogu kalsoonyahay oo kamid ah ahluxadiithka kuwaas oo ah ibnu-abiixaatim,abuuxaatim,camar binu-sawaad,hasa ahaatee labadoodu isma diidana oo gazza waa tuulo  casqalaana waa magaaladii laga xukumay,casqalaan waa magaala kutaala falasdiin bada xeebteeda waxay udhexaysaa gazzah iyo jibriin waxaa ladhihijiray (caruusul-baxar)waa meeshii ciidanka muslimiintu kusoo xirajireen si ey u ilaaliyaan dhulka muslimiinta.Imaamku asagoo kujira uurka hooyadiis ayaa aabihiis u safray meel kamid ah (shaam) halkaasoo uu ku dhintay kadibna waxaa dhashay imaamka markuu gaaray labasano ayaa hooyadiis u soo waday (makkah al-mukarramah) halkaas ayuuna kusoo koray.waxaa kamid ah sharafta ilaahay siiyay imaamka wuxuu ku dhashay uuna kusoo koray dhulka barakaysan ee looyaqaan (al-ardul-muqadasah)
3-ABTIRISKIISA
Abtiriskiisu waa sidaan soo socota muxammad binu-idriis bini-cabaas bini-cuthmaan bini-shaafic bini-saaib bini-cubayd bini- cabdi yaziid bini-haashim bini-cabdil mudallib bini-cabdi munaaf bini-qusayi waxay nabiga  (scw)isagasoo dhacaan cabdimunaaf abtiriskaasi wuxuu muujinayaa inuu ahaay imaamku quraysh oo ah qabiilkii nabigeenu(scw) kadhashay.Imaamka magiciisu waa  muxammad naynaastiisuna waa naasirul-xadiith waxaa kaloo ladhihi jiray abuu-cabdillaah.Hooyadiis waxay ahayd reer azad diinta islaamkana aad ayey utaqaanay waxaa lasoo guuriyay qiso ah imamka hooyadiis iyo naag kale iyo nin ayaa maxkamad marqaati kafurayay markaasaa qaaligii( makkah al-mukarramah)wuxuu damcay inuu laba meelood kala fariisiyo labada dumar ah markaasay imaamka hooyadiis waxay kutiri qaaligii xaq umalihid inaad nakala fogaysid waxayna soo daliishatay aayada 282 (al-baqara)oomacneheedu yahay daynka marqaati uga dhiga labanin hadaad waysaana uga dhiga nin iyo laba dumar ah si hadii midi ilaawdo mida kale uxasuusiso  wuxuu yiri(al-xaafith ibnu-xajar al-casqalaani)kani waa daliil xoogbadan oon dadku lawada imaakarin,taasi waxay tusinaysaa aqoonta ay u leheed diinta.
                     4-WAXBARASHADIISII
Imaamku wuxuu xifdiyay (qur’aanka kariimka ah) asagoo todobajir ah kitaabka layiraahdo (al-muwadha) oo imaamu maalik leeyahay wuxuu xifdiyay asagoo tobanjir ah sidaas waxaa soo guuriyay (al-xaafith al-khadiib) imaamku wuxuu ahaa agoon hooyadiis sookorsatay oon xoola lahayn mucallimkiisuna wuxuu imaamka hooyadiis uga qanacsanaay inuu ardada uga tagto markuu meel aadayo markuu bartay (al-qur aan al-kariim) ayuu galay (masjidul-xaramka) si uu cilmiga u barto wuxuu ku qorijiray cilmiga lafaha markay bataana wuxuu ku ridijiray caashuun wayn gurigiisu wuxuu makkah uga yaalay (shicbu al-khayf.sidaas waxaa sooguuriyay (ibnu-abiixaatim) Imaamku wuxuu u baxay baadiyaha (makkah) asagoo jira todoba iyo toban sanowuxuu u tegay qabiil layiraahdo (hudeyl) si uu korka uga qabto gabayadooda, reer hudayl waxay ahaayeen laba qaybood waxayna kaladeganaayeen woqooyiga iyo koofurta magaalada (makkah al-mukarramah)dhamaantood waxay caan ku ahaayeen gabayada iyo fasaaxada luqada carabiga Imaamku intuu lajoogay qabiilkaas wuxuu kabartay luqada iyo fasaaxadeeda.sidaas waxaa wariyay(imaam al-aabarii) wuxuu aaday imaamku al-madiinah-almunawwarah hijradudu markay ahayd 170 halkaas oo imaamu maalik uu kula kulmay kadibna wuxuu aaday yaman hijradu markay ahayd 179  dabadeedna wuxuu aaday masar halkaasoo uu kudhisay mad habkiisa kadib wuxuu aaday ciraaq hijradu markay ahayd 195 wuxuu kusoo laabtay masar 198 hadana wuxuu aaday makkah al-mukarramah misana wuxuu kusoo laabtay masar 199 halkaas ayuu joogay ilaa ilaahay ka oofsaday maalin jumca ah bisha rajab hijraduna ahayd 204 waxaa lugu aasaqabuuraha loo yaqaan (maqbaratu banii- cabdil-xakam)imaamka safaradiisu waxay kusaab sanaayeen cilmigabarashadiisa iyo baridiisa. waxaa imaamka lawaydiiyay sideebaad ugu dadaashaa cilmiga wuxuu kujawaabay sida qofka bakhiilkaahi ugu dadaalo xoolaha uu haysto oo kale. hadana waxaa lawaydiiyay sideebaad uraadisaa cilmiga barashadiisa wuxuu kujawaabay sida hooya wiil madiyihi kalumay ilma kalena aan leheyn sidaas waxaa wariyay(ibnu-abiixaatim)
                     5-CULAMADII UU KABARTAY CILMIGA
Imaamku wuxuu waxka bartay dad farabadan (xaafith ibnu-xajar) wuxuu yiri culamada imaamku waxka bartay waa 79 todobaatan iyo sagaal shiikh waxayna kala joogeen shan meelood makkah al-mukarramah sida sufyaan binu-cuyeynata,muslim binu-khaalid,saciid binu-saalim,cabdulmajiid binu-cabdilcaziiz iyo cabdullaahi ibinu-xaarith al-makhzuumi waa culamadii ugu oqoonta badnayd reer makkah waqtigaas,al-madiinatul munawwarah waxaa ugu caansanaay al-imaamu maalik oo ladhihi jiray imaamu daaril hijrah imaamu shaafici markuu madiina tegay wuxuu jiray sedax iyo toban ama todoba iyo toban sano,ciraaq waxaa ugu oqoon badnaa culumada reer ciraaq waqtigaas muxammad binul-xasan oo kamid ahaa ardadii imaamu abii-xaniifh,yaman,masar waxaa kamid ahaa culamadii uu halkaas wax uga bartay imaamku yuusuf binu-camar bini-yaziid.kuwaasi waa mashaaikh diisii uu kaqaatay culuumta kaladuwan sida tafsiirka,xadiithka,taariikhda iyo qayba kale oo kamid ah shareecada islaamka.6-HADALADII MASHAA IKHDIISU KUTIRI  IYO TILMAANTII AY KU TILMAAMEEN
-Imaamu maalik wuxuu yiri iima imaan nin
reer quraysh ah oo kafahma badan shaafici sidaas waxaa soo wariyay al-imaam al-aabaari.-Muslim binu-khaalid wuxuu kuyiri imaamu shaafici waxaad gaartay xad muftinimo ee suaalaha diinigaa dadka uga jawaab imaamku markaas wuxuu jiray 15 sano sidaas waxaa soo guu riyay ibnu-abiixaatim.-sufyaan binu-cuyeynata hadii lawaydiiyo mas ala diini ah wuxuu dhihi jiray weydiiya shaafici,marna waxaa loo soo sheegay imaamu shaafici geeridiisa markaasuu wuxuu yiri hadii sidaasi runtahay waxaa dhintay ninkii zabankaan ugu fadliga badnaa sidaas waxaa soo wariyay zakiriya al-saajii.
Dhamaan culamada makkah jootay waxay kutilmaameen imaamka fahma badan,caqli badan iyo dhowrsimo sidaas waxaa soo wariyay al-imaam al-bayhaqi -muxammad binul-xasan al-shaybaani wuxuu yiri haday hadlaan maalin culumada  cilmiga xadiithku waxay kuhadlayaan carrabka shaafici sidaas waxaa sooguuriyay xaafid ibnu-casaakir.-yaxya al-qidhaan wuxuu yiri waxaan uduceeyaa salaad kasta dhexdeeda iyo maalin kastaba shaafici sida ilaahay uwaafajiyay xaqa iyo cilmiga ilaahay siiyay ee uu dadka ufaaiideeyay sidaas waxaa wariyay xaafidka caanka ku ah taariikhda islaamka oo layiraahdo ibnu-abiixaatim -cabdiraxmaan binu-mahdi wuxuu riyi salaadkasta oon tukado waxaan uduceeyaa shaafici kadib markuu aqriyay kitaab uu lee yahay shaafici oo layiraahdo (al-risaalah)sidaas waxaa soo guuriyay abuu-thawr.
7-CULAMADII KUWAQTIGA AHAAYD HADALADOODII
Abuucubayd al-qaasim binu-salaam wuxuu yiri ma arkin nin ka caqli badan,ka xalaal miirad badan,ka fasiixsan shaafici.Haaruunu-rashiid wuxuu yiri alaha ku badiyo ehelkayga adookale kadib markuu dhegeystay imaamka hadalkiisa sidaas waxaa sooguuriyay zakariya al-saajii.Al-imaam al-zacfaraani wuxuu yiri ma arkin shaafici ookale,mid ka fadli badan,mid ka khayr badan,mid ka deeq sisan,mid ka cabsi badan iyo mid ka cilmi badan sidaas waxaa soo guu riyay al-xaafid al-xaakim.Imaamu zacfaraani wuxuu yiri waxaan la doodi jirnay shiikh bishri al-mariisi waana nooga guuleysa jiray dooda  kadib laba hameen ayaan soo aqriyay kitaab imaamu shaafici leeyahay oo kahadlaya marqaatiga iyo dhaarta axkaamtooda kadibna waxaan kusoo laabtay xilqadii shiikh bishri markaasaan uga adkaaday doodii kadibna shiikh bishri wuxuu yiri xujadaan waxay katimid nin aan ku arkay makkah oo ilaahay siiyay dadka aduunka kunool caqligooda barkiis wuxuu ulajeeday imaamu shaafici sidaas waxaa laga wariyay al-imaam al-aabaari.
8-CULAMADII WAXKA BARATAY HADALADOODII

Yaxya binu-aktam wuxuu yiri shaafici wuxuu ahaa nin caqli badan oo fahma badan oo xujada heliog sidaas waxaa sooguu riyay zakariya al-saajii.Imaamu axmad binu-xanbal wuxuu yiri waxaa waxnoo xukmi jiray ardadii imaamu abii-xaniifah ilaa aan aragnay imaamu shaafici wuxuuna ahaay shaafici midka dadka ugu oqoon og kitaabka ilaahay iyo sunnada rasuulka (scw) sidaas waxaa soo guuriyay ibnu-abiixaatim.Al-imaamu axmad binu-xanbal wuxuu yiri cilmigayga dhamaantiis ama intiisa badan waxaan kaqaatay imaamu shaafici muda sodon sana ah ayaana uducaynayay imaamu shaafici sidaas waxaa sooguu riyay zakariyaa al-saajii.Al-imaamu axmad binu-xanbal wuxuu yiri shaafici wuxuu daliishadaa xadiith saxiix ah rayigiisuna waa saxiix sidaas waxaa wariyay ibrahiim al-xarbi.Al-imaamu axmad binu-xanbal wuxuu yiri shaafici wuxuu aad ugu xeel dheeraaday afar luqada carabiga,ikhtilaafka dadka,macaanida iyo fiqhiga sidaas waxaa laga wariyay muxammad binu-cowf.Al-imaamu axmad binu-xanbal wuxuu yiri cilmiga fiqhigu ehelkiisa wuu kaxiraa ilaa ilaahay ugu furay imaamu shaafici sidaas waxaa sooguu riyay abulqaasim al-bagawi.Muxammad al-zacfaraani wuxuu yiri culumada xadiithku waxay ahaayeen kuwa hurda ilaa imaamu shaafici kakiciyay hurdada.Rabiic binu sulaymaan wuxuu yiri imaamku markuu tukado salaada subxiga waxaa u imaajiray dadka doonaya inay kabartaan tafsiirka,qoraxdu markay soobaxdana waxaa u imaajiray kuwa doonaya xadiithka,markay qorraxdu soo dheeraatana waxaa laga hadli jiray wixii dood ah oo kusaabsan diinta,kadibna waxaa u imaajiray kuwa doonaya luqada carabiga ilaa laga gaaro maalinta kala barkeeda.kadibna wuxuu aadijiray gurigiisa
9-DADKII ZABANKIISII KU DHOWAA HADALADOODII
 Daawuud binu-cali al-isbihaani wuxuu yiri waxaa ilaahay ukulmiyay imaamu shaafici fadli badan oo qofkale uusan u kulmin waxaa kamid ah sharafka nasabkiisa maxaa yeelay waxay isku abtiris yihiin nabigeena (SCW) waxaa kamid ah diintiisa oo fayoow,caqiidadiisa ooka nabad gashay bidci nimo, hawa raac,asagoo deeqsi ahaa,aqoon dheeraada asagoo ulahaa cilmiga xadiithka,asagoo korka kayiqiinay kitaabka ilaahay,aqoon dheeraada asagoo ulahaa siirada nabiga(SCW) iyo siirada asxaabta,kutubta uu allifay wanaagooda,culamadii waaweyneed ee islaamka oo isku raacday imaamka cilmigiisa iyo inuu oogay sunnada nabiga (SCW) iyo inuu aduunyada kajeestay waxaa kamid ah culamadaas imaamu axmad binu xanbal,sulaymaan binu-daawuud al-haashimiyi,al-xumaydi,al-karaabiisi,abiithoor,al-zacfaraani,al-buwaydi,al-jaaruud,al-rabiic,ibraahiim al-mazani iyo xaarith binu-surayj waxaa sidaas soo wariyay al-imaamu al-bayhaqi.
       10-SIDUU UGU DHEGANAA XADIITHKA NABIGA (SCW)
Al-xaafith al-bayhaqi wuxuu sanadkiisa uga waruyay rabiic binu-sulaymaan waxaan maqlay shaafici ooleh hadaad kaheshaan kitaabkayga wax khilaafsan sunnada nabigeena (SCW)qaata sunnada kana taga hadalkeega.rabiic markalena wuxuu maqlay shaafici oo leh hadaan wariyo xadiith saxiix ah oonan kucamal falin waxaad ogaataan inaan waashay.wariye bayhaqi.Rabiic wuxuu maqlay shaafici oo leh samadee baan harsanayaa dhulkee baan ku kor soconayaa hadaan xadiith nabiga (SCW)wariyo oonan ku camal falin.wariye al-xaafid al-xaakim.Waxaa shaafici kuyiri imaamu axmad hadaad ogtahay qof haya xadiith saxiix ah iisheeg waan aadayaa meelkasta oo uu joogee.wariye xaafith al-dabaraani.Xuseyn binu cali al-karaabisiyi wuxuu maqlay shaafici ooleh qofkii kahadlaya qur-aan iyo xadiith ayaa xaq kutaagan wixii kasoo harayna waa hadal leyska yiri.wariye abuu-ciisaa al-tirmidi.Al-buwaydhi wuxuu maqlay shaafici ooleh qabsada culamada xadiithka waayo waa ka toosnaan badan yihiin dadka kale.
11-DHAWRSANAANTIISII
Shiikh mazani wuxuu waydiiyay shaafici suaal kusaabsan caqiidada waxaa shaafici ugu jawaabay iwaydii wax hadaan ku gafo aad ileedahay waad geftay ee haiwaydiin wax hadii aan kugefo aad ileedahay waad gaaloowday wariye xaafid ibnu-xajar.Rabiic wuxuu kasoo wariyay shaafici weligeey ulama doodin qof aad ka adkaatid wariye bayhaqi.Xasan binu-cali al-karaabisiyi wuxuu maqlay shaafici ooleh weligey qof  markaan ladoodayo waxaan jeclaystaa inuu ilaahay qofkaas u kaalmeeyo oo uu toosiyo sidaan ujeclahay inuu iikaalmeeyo oo uu iitoosiyo.
       12-RIYOOYIN UU ARKAY IMAAMKU MARKUU YARAA
Xarmalatu ibnu-yaxyaa wuxuu maqlay shaafici ooleh markaan yaraa waxaan ku riyooday nin dad wax baraya markaasaan usoo dhowaaday waxaana ku iri wax ibar markaasuu jeebkiisa wuxuu kasoo baxshay miizaan waana isiiyay wuxuuna yiri kan adaa leh kadibna waxaan utegay nin riyooyinka fasira wuxuu igu yiri waxaad noqonaysaa hormoodka cilmiga waxaadna ku sugnaanaysaa wadada xaqaa iyo sunnada nabiga (SCW) wariye al-imaamul-xaakim.Rabiic binu-sulaamaan wuxuu maqlay shaafici oo leh waxaan riya ku arkay nabiga(SCW) wuuna iiyeeray waxaana iri labbayka yaa rasuulallaah wuxuu igu yiri yaad katirsantahay? Waxaan kuiri waxaan katirsanahay jamaacadaada wuxuu yiri iisoo dhowaaw waan udhowaaday wuxuu sooqaatay candhuuftiisa markaasaan afkayga kala furay wuxuu marmariyay candhuuftiisii carrabkayga,bushimahayga iyo afkayga wuxuuna yiri alaha kuu barakeeyo candhuuftayda shaafici wuxuu yiri markaas kadib xadiith iyo waxkale midna igama khaldamin.wariye xaafith la-bayhaqi.Rabiic binu-sulaymaan wuxuu maqlay shaafici ooleh anoo jooga bagdaad ayaan waxaan kuriyooday sayid cali binu-abiidaalib oo soo fariistay agtayda markaasuu siibay faraatigiisii dabadeedna wuxuu geliyay gacantayda nin cabiraa ah ayaan utegay wuxuuna yiri qorrax kasoobax iyo qorrax udhac meeshii sayid cali lugu xuso adna waa luguguxusayaah wariye muxammad binul-xusayn al-ansaariyi.Rabiic binu-sulaymaan wuxuu shaafici kamaqlay waxaan ku riyooday asagoo qof ii yimid markaasuu qaatay kutubtaydii wuxuuna kufirdhiyay hawada markaasay kala biday waxaan uga qiseeyay riyadaas nin riyada fasirah wuxuuna yiri majirto meel muslim joogo oon cilmigaagu gaarayn.wariye zakariyaa al-saajii.
      
13-XADIITH NABIGA ( SCW ) OO LUGU FASIRAY SHAAFICI
Waxaa nabiga (SCW) laga wariyay  xadiith macnihiisu yahay ilaahay wuxuu umadaan usoo bixiyaa boqolkii sanaba qof diintooda u cusbooneeya ama barah wariye abuu-daawuud, xaakim, bayhaqi iyo xaafid al--khadiib.Warinkale wuxuu yiri nabigu (SCW) xadiith macnihiisu yahay ilaahow hanuuni quraysh maxaa yeelay caalimkooda cilmigiisu wuxuu kalagaarayaa dhulka oo dhan ilaahow waxaad dhadhansiisay qurayshtii hore ciqaab ee dhadhansii qurayshta dambe deeq.wariye xaafid abuu-yaclaa. xaafith inbu-xajar al-casqalaani iyo xaafith al-bayhaqi waxay sheegeen in xadiith kaani xoog leeyahay.culama badan ayaa kufasirtay axaadiithtaas imaamu shaafici.Imaamu axmad binu-xambal wuxuu yiri boqolkii sano ee hore waxaa ilaahay ku galadaystayumadaan cumar binu-cabdil caziiz boqolkii labaadna waxaa ilaahay kugaladaystay imaamu shaafici.wariye xaafith abuu-bakar al-bazaar.Imaamu axmad wuxuu yiri hadii mas ala layweydiiyo oonan uhayn daliil waxaan kujawaabaa sidii shaafici kujawaabay waayo shaafici waa imaam caalim ah oo reer qurqaysh ah waxaana nabiga(SCW) laga wariyay xadiith macnihiisu yahay caalimka reer quraysh wuxuu cilmigiisu buuxinayaa dhulka oo dhan.wariye xaafith al-bayhaqi.Xaafith abuu-naciim al-jarjaani asna wuxuu sheegay axaadiithtaas in loola jeedo imaamu shaafici dhamaantood alaha karaali noqdo una naxariisto aamiin

Wednesday, January 26, 2011

here's the famous "wiilwaal" poem in English

explanation:

gaal gurey is the famous oromo leader, who led the oromo sub-clans, and in the 1820s he gal gurey and the oromo tried to invade somali galbeed. but my boy, wiilwaal and his followers kick their assess.


anyway!


here's the famous "wiilwaal" poem in English

If i present plainly, in a word or two,
A short account of myself and of my life
You will all you have to say to me
With no one contradicting
"You are telling the truth indeed!"

When i was a boy, with no share yet in the affairs of men
I used to fill my ear, as if it were a vessel.
With the preaching of sheikh's,
With the advice of my old parents,
And with their words of guidance
Concerning the path of the holy faith.
Thus rightly counselled, I had an aim in mind.
A good cleric was what i would become!
I acquired for myself the implements of true piety-
A vessel for ablutions, the holy book,
And a very good mat for prayers-
Yet still you called me wiilwaal, crazy lad!

And then it happened
That the fighting you were engaged in
Planted a desire in me
To show my solidarity with other men,
And if I had not bridled my horse weyrax. the rager
Nor held the shining spears and the shield of rhinoceros hide.
If I had not cried, "onward,men!" as i launched an attack
At the first breaking of dawn's light,
And if I had not then hewn "gurey" into quarters-
The enemy would have overrun our country!

Saturday, January 22, 2011

Habaarka iyo Afxumada ay soomalidu caadaysAtay

Waa eryao iyo odhaahyo aan adeegsigoodu fiicnayn ayna ka dambayso dhibaato aad u wayn illahay raali kama aha waxaad arkaysaa hooyo maalinkasta adeegsanaysa oo ubadkeeda iyo ninkeeda ku odhanaysa walaalaha soomaliyeed kaa ka foojignaadaan erayadaas iyo kuwa lamidaba
1, waxdaran illhay ku tus
2, Calaamo illahay ku saar
3, Meeldaran illahay kaa tuur
4,Balaayo kugu dhacday
5, Alle ku qaad
6,  Cimri dagdag kugu dhac
7, Gablan oo gorofta noqo
8, Wax xun Illahay kugu salid
9,Iimaanka Illahay kaa qaad
10, Khaatumada seeg
11, Hoog la meer
12, Balaayo kugu dhacday
13,Baras kugu dhac
14,Cudur daran ku hel
15 Alle ku soo qabay
16 Cimrigaada Illahay dadaji
17,Habaar kugu dhac
18,Qandho fildaran Qaad
19,Cadaabkii Illahay ku gee
20 Lagu xansaas (waa gabdhaha)
21,Lagu Awd (gabdhaha)
22, Jifan oo nag dheh waa (gabdhaha)
23,kor laguula bax
24, Wadna gariir kugu dhac
25,Xargaga ka soo dhac oo isha Xanan la hel
26,Xudunta laf laguu dhig
27,Caloosha kaa soo dhacday
28 Daacuun kugu dhac
29 Qaaxo reerkiina laysay
30, Qabrigaada qabqab ka yeedhay
31,Isku bax
32, duf kugu bax
33,Fanta ku heshay
34,Raadkaaga roob qari
35, lagaa qax sidii Xamar (Muqdisho)
36,Nolasha lagugu dhaxal
37,Qalbiga lagaa dahaadh
38,Xishood beel ilahay idankiis
39 Caano beel
40, Maytidaa Alle Cadaab
41,Fidhin Illahay idankiis
42, Dooro Uur leh kaa talaabsatay
43,Illahay Qayrkaa kaa reeb
44,Illahay ku Casil
45,Si xun u Iilo
 LAGULA GUURSAY MA HABAAR BAA MISE WAA DUCO

Friday, January 14, 2011

Waa maxay xoreyn? Goormase lala imaada teeda kale dhul iyo dad kee baa qiimaha leh dhul dadkisi gaajoonayaan dhul dadkisi baahan yihiin dhul dadkisi jaahiil yihiin dhul dadkisi baylahsanyahay
dhul dadkisi darxumaysanyihin aqliga dhahaya dab... aan galino ma lagu tilmaami karaa aqli caafimaad qaba? Waa may!! Aniga waxaan arkayaa dadkayga inay midnimo u bahanyihin
Aniga waxaan arkayaa dadkayga inay nabad u bahanyihin Aniga waxaan arkayaa dadkayga inay
Xasilooni u bahanyihin Aniga waxaan arkayaa dadkayga inay daganaansho u bahanyihin Aniga waxaan arkayaa dadkayga inay horumar u bahanyihin inay gargaar u bahanyihiin taasna uma baahna dagal kuma xidhna duur la galo hadaad saas samayso inaad liidato ayaad qiraysaa tix raac siyaasigii aduunka nabiyulaahi muxamed scw markuu makka laga soo eryey ee uu maddiina yimid wuxuu ka fakiray dadka nabadgalyadooda yahuudii ugu xumayd iyo cawaankiiba heshiis ayuu la galay si ay dadku xasilooni iyo nabadgalyo buuxda u helaan hadaba haa lagu dadaalo nabada midnimada iyo horumarka ninka jeclaysiga magaca ogaden u dagalamaya musiiba ayaa haysata wana mid ayaan daran oo khasaaray waayo? dhulku waa dhul soomaaliyeed oo lagu magacaabo dad mideeye , kan u dagaalamaya oo amiinsan xabashi nacayb wuu khaldanyahay waayo? Allah ayaa dhahay (inamal muminiina ikhwa) 80'/. Waa muslim ethio. Markaa adigana ii sheeg fikirkaas mid dhaama

Friday, January 7, 2011

Qori Ama Qalin!!


Run ahaan waxaa wax laga murgoodo ah dib u dhaca haysta dadkeena iyo degaankeena, ka hor 100 sano tani iyo maanta dadkeena ma aha kuwo horumar la taaban karo sameeyey ama arkay nolol fiican oo wax ku ool ah, taas oo kaliftay muwaditiinta wadanka u dhashay in ayna haba yaraatee wax dadaal  Dheeraad ah u galin Sidii Ay nabad -waarta  uga dhalinlahayeen gobalka, taasoo, kaliftay inay muwadiniyiinta degaanka madaxa ka qabsadaan dhowr kooxood oo haysta figrado kala duwan, fikradaahs  oo haba yaraatee aan wax dan ahi ugu jirin shacabka deegaanka, hadii aan ku xusno fikrad ka mida ah oo majara habaabisay midnimadii muwadiniinta degaanka, waa mid ay ka muuqato dana gaar ah, taas oo ah mid markasta carqalad galisa midnimada muwadiniinta u dhashay degaanka iyo horumarka degaanka, kuwaas oon dareensanayn inay yihiin kuwo marin habaabsan, ma aha kuwo daya dayacnaanta haysata shacabka, nasiib xumada ay abuureen waxa ka mid ah in maanta caasimado ka mid degaank aynan lahayn nal, (laydh/koronto), xarun caafimaad, iskool tacliinta lagu barto, wakaaladaha biyaha iyo dhamaanba wiixii nolasha bulshada dayactiri lahaa.
Waxaa kale oo  iswaydiina u bahan waxa shacabka gobalada bari ka soo eryaya ee ku soo uririyey golbalka jigjiga?, waxa ay ardayda gobolka fiiq ay uga soo lugeeyaan fiiq si ay imtixaanka ugu galaan jigjiga?
Marka miyeyna haboonayn in laga fekero sidii looga shaqayn lahaa nabad gelyada iyadoo ah marinkii loo mari lahaa hurumarka iyo wax qabsiga, loogana bixi lahaa jahliga iyo aqoon la'aanta ku saamaysay shacabka gobolka, qofkasta oo ka mid ah dadka gobolka u dhasha waxay dani ugu jirtaa in ay helaan nabad gelyo buuxda si ay uga tashadaan danahooda iyo dayacanaanta haysta maanta 
   markaa walaalaha degaanka u dhashay bal isla eega wadiiqada ugu haboon een masiibada kaga bixi karno inagoo isugu deeqayna fikradaheena kala duwan ee ku salaysan midnimada iyo harumarka deegaanka iyo dadka.

MAXAA SABABAY INUU GOBOLADA SHIINIILE IYO JIGJIGA GAADHAAN HORUMAR LA TAABAN KARO, GOBALADA KALE EE BARIGANA UGU HABSATAY MUSIIBADA IYO DIB U DHACU, WAXAAD MAANTA ARKAYSAA QOYSAS KA SOO BARAKACAY FIIQ, DHAGAXBUUR, QABRI DAHAR, IYO GODEY OO QOXOONTI KU AH GOBOLKA JIGJIGA, MAXAA SABABAY BAYNU ODHAN KARNAA?
MAXAA IYANA SABABAY DEGMOOYINKII QAAR AY KA SOO BARAKECEEN IN LOOGU AMAR TAAGLEEYO MAATIDII LAGAGA YIMID, MARKA AY XAAJADU SIDAAS TAHAY SOO MA AHA INUU CAQLIGA WANAAGSANI SHAQEEYO!!

jidwaaqland

Thursday, January 6, 2011

ku raaxayso

quruxda degaanka jidwaaq iyo shacabka ku nool

Jidwaq


Jidwaq
Total population
400,000-500,000
Regions with significant populations
 Ethiopia
 Somalia
Languages
Somali
Religions
Islam (Sunni)
Related ethnic groups

Ogaden, Bal'ad, Wayteen.


Jidwaq (or Jidwaaq) is a Somali sub-clan of Absame of the Kablalax of the Darod tribes. Jidwaq is transalted meaning "The Road of Waq (meaning God)."
The Jidwaq primarily inhabit Jijiga, which is the capital city of the Somali Region of Ethiopia. Jidwaq is the eldest of the four brothers: Ogaden, Jidwaq, Bal'ad, and Weyteen clans.
The Jidwaq sub-clan can be divided further into the following three sub-clans:
  • Yabare
  • Bartire
  • Abaskuul
The Yabare reside in the upper parts of the Jarar valley in the fertile lands surrouding Jijiga stretching to the lower Faafan valley in the south east and the Dhagaxle and Xaadaw to the north. The Yabare consists of the following five sub-clans: Reer Said, Reer Yusuf, Reer Habarliyo, Reer Hodan Barre, and Reer Biyo. Furthermore Yabares call Jijiga and Harureys home.
Bartires reside in the upper parts of the Jarar valley and the fertile and agricultural land around the city of Jijiga, Shabelay - stretching to the lower Faafan valley in the southeast and to Dhagaxle and Xaadaw to the north. The Bartire consists of those sub-clans: Reer Ali, Reer Guuled, Reer Samatar Dayl, Ableele, Lagmadoobe, Timo Case, Tuuro Case, Habar Yaasuf and Habar Sacad. According to the Ethiopian government, Jigjiga and Xaadaw are the two main urban areas belonging to the Bartire.
Abaskuul resides in the lower part of Jarar Valley and the town of Kebri Beyah (Qabribayah) (their capital) and most recently the city of Jigjig, the capital of the Somali Region and the birth place of Garaad Wiil Waal (Bartire). Abaskuul consists of those subclans: Reer Farah, Reer Geedi, Reer Guled, Reer Hildiid, Reer Ibrahim, Hassan Osman, Ismail, Isse, Reer Aw-nur and Reer Looge. The other settlements the Abaskul clan reside in are, Gilo, Guyobe, Araarso, Istabta, Dhurwale and Digriileey.